Puntland oo digniin u dirtay horjooge Cabdiraxmaan Faahiye.

2 March, 2025

Qaar kamid ah warbaahinta reer Galbeed ayaa horay u sheegay in Cabdiraxmaan Faahiye lagu diley duqayn diyaaradeed, haseyeeshee Puntland ayaa hadda la socota dhaqdhaqaaqyadiisa.

Taliska guud ee ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa digniin u diray shaqsiyaad Soomaali ah oo katirsan kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysanaysa qaybo kamid ah buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca dowladda Puntland Gen. Aadan Cabdi Xaashi oo ku sugan fariisimadii ugu dambeeyey ee Daacish laga qabsaday ayaa ugu baaqay Cabdiraxmaan Faahiye Ciise oo kamid ah horjoogayaasha Daacish inuu ka faa’iidaysto cafiska dowladda haddii kalena ay ciidamadu ciqaab adag marsiin doonaan, wuxuuna ka digey dhalinyaro la hayb ah oo uu ku urursanayo buuraleeyda Tasjiic.

“Cabdiraxmaan Faahiyaw Cabdulqaadir Muumin Talo gacan uguma jirto talo iyo tabarna ma hayo, dadka xijiga ka guran jirey Baalade ilaa Tasjiic dhalinyarada qoyskaaga ee aad cadaabta ku guraysid ka jooji”, Gen. Aadan Cabdi Xaashi.

Dhanka kalena, Taliyaha ayaa yiri,”Waxaa balan igu ah Cabdiraxmaanow ciqaabta aad leedahay inaad naga hesho, dadka aad leedahay waa imagangelinayaan waa ogyihiin arrintu sida ay tahay ee wiilasha ha halaagin silic baad u dhimanaysaaye”.