Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland uuna weheliyo Agasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa gaadiid ku wareejiyey Xarumaha…

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland uuna weheliyo Agasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa gaadiid ku wareejiyey Xarumaha Dakhliga Wasaaradda ee gobollada.
Gaadiidkan oo ah 9 gaari ayaa lagu gaday isku tashi si loo helo Gaadiidkii bulshada loogu adeegi lahaa shaqaalaha Wasaaradda ee goboladana ay ugu fududaan lahayd shaqooyinkooda soo saarista dakhliga.
Gooblada Wasaaradda Maaliyaddu ugaday Gaadiidkan ayaa ah Gobolka Bari. Gobolka Mudug Degmada Galdogob, Gobolka Karkaar, Gobolka Nugaal iyo Xafiiska Waaxda Deeqaha Dibada ee Wasaaradda Maaliyadda.
Mudane Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka hadlay gaadiidkan ay Wasaaraddu u soo gaday xarumaha dakhliga iyo hormarka ay Wasaaraddu ku talaabsatay ayna tahay fulinta Siyaasadda Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud guulo badan la gaaray.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa umahad celiyay dhammaan waaxyaha ka soo shaqeeyey diyaarta gaadiidkan.
“Waxay ka mid tahay gaadiidkan la wareejiyey maanta Horumarka Wasaaradda Maaliyadda iyo Ujeedada oo ah in dakhliga Wasaaradda Maaliyadda kor looqaado waana baabuur wax soo saar”
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa Mas’uuliyiinta lagu wareejiyey gaadiidkan ee gobollada kula dardaarmay in ay dhowraan bad qabka gaadiidkan shaqooyinka loogu talagalayna lagu qabto.
Waxaa xusid mudan in Wasaaradda Maaliyaddu horay goobaha shaqada ku wareejisay 5 Gaari oo lagu iibiyey habka isku tashiga ah lana daboolay baahiyaha gaad laanta oo haysatay shaqaalaha Wasaaradda.
Wareejinta Gaadiidkan waxaa kaa soo qaybgalay Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Ku xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda,Agaasime Ku-xigeenka waaxda Maamulka iyo Maaliyadda,
Agaasimaha Waaxda Cashuuraha beriga, Xisaabiyaha Wasaaradda ee gobolka Nugaal, Agaasime Ku-xigeenka Waaxda Deeqaha Dibada iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.




