Puntland oo digniin u dirtay qaar kamid ah nabaddoonada gobolka Mudug.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax (Dujaana), oo ka hadlayey…

13 September, 2026

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax (Dujaana), oo ka hadlayey kulan nabadayn ah oo ka dhacay Magaalada Galkacyo ayaa sheegay in qaar kamid ah nabaddoonada gobolka Mudug ay ka shaqeeyaan nabadgelyo xumo iyo dhiirigelinta dilalka qorshaysan.

Waxa uu sheegay inay jiraan odayaal iyo nabaddoono xagal daacin ku sameeya shirarka dibu-heshiisiinta iyagoo ujeedooyinkooda gaarka ah uga faa’iidaysta dhalinyarada hubaysan oo u dagaalama hanaanka qabaa’lka, wuxuuna sheegay inay dowladda tallaabo cad ka qaadi doonto xabsigana u taxaabi doonto.

“Marka gogoshada wadahadalada laga soo dareero oo nabadda la qaato dhalinyaro ajande gaar ah leh ayaa danohooda uga faa’iidaysta, kama yeeli doonno gacan bir ah ayaan ku qaban doonaa, dambiile nagama fikan doono sidii Daacish ayaanna ula dagaalami doonnaa, nabadoonadu khayr ma wada lahan nabadoono reer hebel maxaa inooga maqan dheha ayaan ognahay”, Ayuu yiri Wasiir Dujaana,