Puntland oo digniin u dirtay shaqsiyaad baraha bulshada ku buunbuuniyey xaaladda Garoowe.

29 June, 2026

Xubno katirsan golaha xukuumadda Puntland iyo laamaha ammaanka gobolka Nugaal ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee…

Xubno katirsan golaha xukuumadda Puntland iyo laamaha ammaanka gobolka Nugaal ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee Magaalada Garoowe, oo shacabku siweyn u hadal hayeen dhaqdhaqaaqyada ciidan ee laga dareemay saacadihii la soo dhaafay.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Farxaan Cali Xirsi, ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook ku sheegay in ammaanka Garoowe uu deggan yahay, wuxuuna uga digey dadka faafinaya wararka dhiilada colaadeed abuuraya inay ka waantoobaan.

“Guud ahaan Puntland, waxa ka socda hormar aan la dhayalsan karin, amniguna waa hortabinta koowaad; dadka abuuray khalkhal-gelinta bulshada iyo abuuridda colaad aan jirin ha ka waantooban; Bulshadana ha laga daayo xasarad abuurka dhammaan dagmooyinka iyo goballada waxaa ka jira xasillooni, dawlada Puntland iyo shacabkeedu raalli kama noqon doonaan wax amnigooda wax u dhimaya”, Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland Farxaan Cali Xirsi.

Dhanka kalena, Taliye ku-xigeenka Qaybta Booliska gobolka Nugaal Jamaal Ayax ayaa ayaa digniin u diray siyaasiyiin iyo shaqsiyaad baraha bulshada ku faafiyey warar ku aaddan ammaan xumo ay sheegeen inay ka jirto Magaalada Garoowe.

“Xaaladda amniga ee magaalada Garoowe waa mid deggan, mana jirto wax khalkhal amni ah. Taliska Qaybta Booliska Gobolka Nugaal wuxuu uga digayaa qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka baraha bulshada ku faafinaya warar aan xaqiiqada ku salaysnayn oo ku saabsan amniga”, Ayuu yiri taliye ku-xigeenka Qaybta gobolka Nugaal Jamaal Ayax.