Puntland oo digniin u dirtay siyaasiyiinta mucaaradka ee hubaysan.

31 May, 2025

Xukuumadda Puntland ayaa si adag uga hadashay siyaasiyiinta mucaaradka ee hubka iyo gaadiidka dagaalka ku dhex…

Maxamuud Caydiid Dirir

Xukuumadda Puntland ayaa si adag uga hadashay siyaasiyiinta mucaaradka ee hubka iyo gaadiidka dagaalka ku dhex wata magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, xilli xukuumadda loo jeediyey eedaymo kala duwan.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo warfidiyeenka kula hadlay ayaa ugu yeeray siyaasiyiinta inaysan khalkhal gelin ammaanka Magaalada Garoowe iyo guud ahaan Puntland.

“Siyaasiyiintu hayska daayeen tiknikada ay magaalooyinka la soo gelayaan, nin siyaasi ah oo dalkiisii ku soo laabtay oo doonaya 20 Tikniko ah in lagu soo dhaweeyo xikmada kujirta garan maayo, nidaamka dowliga ah shaqada ha loo daayo”, Ayuu yiri Wasiir Caydiid.

Garoowe waxaa dhawaan lagu soo dhaweeyey Guuleed Saalax Barre oo ahaa musharixii wareegga ugu dambeeya ee doorashada 2024 ay isla gaareen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.