Puntland oo dishey 23 xubnood oo katirsan Daacish.

19 March, 2025

Ciidamada kujira hawlgalka ciribtirka kooxaha argagixisada ah ee Hillaac ayaa 48-dii saac ee la soo dhaafay…

Ciidamada kujira hawlgalka ciribtirka kooxaha argagixisada ah ee Hillaac ayaa 48-dii saac ee la soo dhaafay diley agagarka Ceelka Miraale ku diley 23 xubnood oo katirsanaa kooxda Daacish.

“Ciidanku waxay hawlgal ay ka sameeyeen Togga Miiraale 48-dii saac ee u danbeysay ay ku dileen in ka badan 23 Argagixisada Daacish oo ku dhuumaalaysanayey aaga Ceelka Miiraale. Sidoo kale waxay Ciidanku waxay hawlgalo amni ka sameeyeen Togga Nuur-ku-beenleā€ ayuu shaaciyay Taliska Ciidamada difaaca Puntland.

Hawlgalka Hillaac ayaa sidoo kale sheegay,”Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland oo ugaarsanaya firxadka Argagixisada Daacish ayaa sidoo kale hawlgalo ka sameeyay degaannada Buurta goob, Dhaban Qoxle, Ceel ka bire, Buurta gaba gabo iyo Buurta shinuurka ee Buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari waxaana ay halkaaasi ku burburiyeen talisyo ay ku dhuumanayeen firxadka Argagixisada Daacish, halkaasi oo ay ka heleen saad iyo agabyo kala duwan oo ay ka carareen Argagixisadu”.

Saraakiil katirsan hawlgalka Hillaac ayaa u xaqiijiyey Horseed Media in xilligaan awoodda naddiidku ay ku soo ururtay miino ay ku aasaan dhabbayaasha ciidanku adeegsadan iyo inay difaacyo ka samaystaan aagga Miraale.