Puntland oo dishey 3 kamid ah Daacish iyo ciidamo qarax miino ku geeriyoodey.

15 October, 2025

Ciidanka difaaca Puntland ayaa hawlgallo qorshaysan ka wada buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari oo ay ku…

Ciidanka difaaca Puntland ayaa hawlgallo qorshaysan ka wada buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari oo ay ku dhuumaalaysanayaan malayshiyaad katirsan kooxda Daacish.

Hawlgallo ka dhacay togga Baallade ee duleedka Boosaaso iyo deegaanka Wangable ayey ciidanku ku khaarajiyeen saddex xubnood oo katirsan kooxda Daacish.

Dhanka kalena, 7 kamid ah ciidanka dowladda ayaa ku geeriyoodey qarax miino dhulka lagu aaso ah oo ka dhacay inta u dhexaysa deegaamada  Tuurmasaale iyo Dhaadaar ee togga Jacayl.