Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay laba jibbaarey hawlgallada ay ku…

Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay laba jibbaarey hawlgallada ay ku baadi goobayaan firxadka kooxda Daacish ee ku sugan deegaamo katirsan buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
Howlgalladii ugu dambeeyey ayaa ciidamadu ka sameeyeen lugta Huraanhur iyo Togga Raq-raq ee buuraha Calmiskaad, halkaas oo ay ku dileen 5 xubnood oo Daacish u qaabilsanaa miino aasidda iyo Drones-ka, iyagoo gacanta ku dhigay fariisimo muhiim u ahaa kooxdaasi.

Dhanka kalena, ciidmaada ayaa hawlgal ay saaka aroornimadii fuliyeen kule wareegey talisyo waaweyn iyo Ceelashii biyaha ay Argagixisada ka dhibaateyn jireen bulahada Waxaana ka mid ah Difaaca Shamuurka oo ka mid ah difaacyada weynaa ay ku lahaayeen Buuraha sare ee Deegaanka Geesaqabad, iyagoo soo ridey ilaa 3 diyaaradood oo nooca drones-ka ah.
