Dowladda Puntland ayaa markii ugu horeysey soo iibsatey afar diyaaradood oo nooca dagaalka ah, kuwaasi oo…

Dowladda Puntland ayaa markii ugu horeysey soo iibsatey afar diyaaradood oo nooca dagaalka ah, kuwaasi oo qayb ka noqon doona hawlgallada ciribtilka kooxaha nabaddiidka ah ee ku sugan Cal-madaw iyo Cal-miskaad.
Saraakiil sare oo ka tirsan Taliska Ciidamada difaaca Puntland ayaa xaqiijiyay in dowladdu wadan aan la carabaabin ka soo iibsatey afar diyaaradood oo fulin doona duqaymo cirka ah iyo hawlgallo qorshaysan.
Diyaaradahaan dagaal ee Puntland soo iibsatey ayaa laba kamid ah waxaa la keenay magaalada Boosaaso, si ay qeyb uga noqdaan dhammaystirka hawlgalka Calmiskaad iyo bilowga hawlgalka Onkod ee Cal-madaw.
Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqay in la soo afmeeri doono hawlgalka Hillaac ayna ku xejin doonaan Onkod oo lagu qaadi doono Alshabaabka ku dhuumaalaysanaya Cal-madaw.