Puntland oo dowlad deegaanka ku wareejisey gaari laga soo dhacay Gallaadi.

20 April, 2026

Ciidanka ammaanka gobolka Mudug ee Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaari oo nooca Brobox-ta loo yaqaan…

Ciidanka ammaanka gobolka Mudug ee Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaari oo nooca Brobox-ta loo yaqaan oo laga soo dhacay dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya iyo kooxdii dhacaasi ka dambaysay.

Gaarigaan oo lagala soo baxsaday deegaanka Dharabtay ee degmada Gallaadi ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa gacanta ku soo dhigay ciidanka ammaanka degmada Buursaalax ee gobolka Mudug.

Taliyaha Saldhigga degmada Buursaalax Abshir Xaaji Cali ayaa sheegay in ciidanka ammaanku hawlgal ku soo qabteen gaariga iyo labadii nin ee la soo fikaday iyagoo ugu dambayn hab sulux beeleed ah ku xalliyey kuna wareejiyey gaariga dhibbanihii lagala soo fikaday ayna dhinacyadu ku qanceen go’aanka.

“Gaarigaan oo lagala soo fikaday deegaanka Dharabtay ee degmada Gallaadi ayaa xogtiisu nasoo gaadhey waana ka hawlgalnay waxaana ciidanku gacanta ku soo dhigeen gaarigii oo bedqaba iyo raggii watey, maadaama ay dad qoys ah ahaayeen waxaa hawshii lagu xalliyey qaab qoys ugu dambaynna waa lagu wada qancay”, Ayuu yiri Taliye Abshir Xaaji Cali.