Maamulka Dowladda Hoose ee degmada Garoowe ayaa eedeymo kala duwan u jeedisay muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ee…

Maamulka Dowladda Hoose ee degmada Garoowe ayaa eedeymo kala duwan u jeedisay muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ee ku nool magaalada, iyadoo sheegtay in qaar ka mid ah dadkaasi ay ku lug leeyihiin falal ay dowladdu ku tilmaantay caqabado amni, nadaafadeed iyo kuwo la xiriira bilicda magaalada.
Agaasimaha Amniga ee Dowladda Hoose, Maxamed Fidaar, oo ka hadlay kulan uu goob joog ka ahaa qunsulka dowladda Itoobiya ee Soomaaliya ayaa sheegay in qaar ka mid ah muhaajiriinta Itoobiyaanka ah lagu eedeeyay inay la baxaan qalabka kaabayaasha magaalada, sida tiirarka korontada, albaabada iyo daaqadaha.
Fidaar ayaa sidoo kale sheegay in cabashooyinka ay ka mid yihiin saxaro lagu daadiyo waddooyinka magaalada, taas oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah dhibaatooyinka nadaafadeed ee ay mas’uuliyiintu ka tabanayaan, isagoo ugu yeeray qunsuliyadda iyo dowladda dhexe inay arrintaasi xal waara u raadiyaan.
“Waxay bilaabeen baalayaashii Korontada inay la baxaan, Albaabadii magaalada, Daaqadihii, Nadaafaddarada magaalada ay ku hayaan, Tuugsiga, Sinada, Saxarada oo ay laamiga kusoo tuuraan” Dhamaan arrimana waa caqabadda ay Itoobiyaanka ku hayaan magaalada Garowe, sida uu sheegay Agaasimaha Amniga ee Dowladda Hoose Maxamed Fidaar.




