Madaxtooyada Puntland ayaa markale si adag uga hadashay xaaladda siyaasadeed ee Somalia iyo khilaafka u dhexeeya…

Madaxtooyada Puntland ayaa markale si adag uga hadashay xaaladda siyaasadeed ee Somalia iyo khilaafka u dhexeeya Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia & dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo ka hadlayey shir ka dhacay Garoowe ayaa ku eedeeyey madaxda dowladda Somalia inay laaleen dastuurkii heshiiska lagu ahaa ayna hubkii iyo gaadiidkii loogu deeqay dalka ku weerareen Maamulka Koonfur Galbeed Somalia.
“Somalia waxay maraysaa xoogaagii ciidanka ahaa iyo sharciyaddii la luminayo oo dastuurkii dalka la laalay oo ciidankii Alshabaab lagula diriri lahaa shalay Kismaayo lagu weeraray maantana Koonfur Galbeed lagu weeraray, Somalia waxay rabtaa in kalsooni loo abuuro Puntland waxaa marwalba ku weyn sidii Somalia loo badbaadin lahaa”, Ayuu yiri Lugatoor.
Waxa uu intaasi ku daray,”Maanta siyaasad baan rabnaa inaan ku badbaadino waana bogaadinayaa Lafta-gareen oo isagoo Xaramkii jooga lagu khasbay inuu ka soo tahriibo si uu deegaankiisii u badbaadiyo, maanta in wiil Soomaaliyeed ku dhinto awooddii ciidanka difaaca Somalia meesha ay marayso weeye.”



