Xukuumadda Puntland ayaa ka jawaabtey hadal ka soo yeeray Maareeyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee…

Xukuumadda Puntland ayaa ka jawaabtey hadal ka soo yeeray Maareeyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SodMa Cabdirashiid Maxamuud Xasan, oo dhawaan sheegay inuu waayey cid ka guddoonta gargaar loo qorsheeyey Puntland.
Wasiirka Gargaarka iyo Musiibooyinka Puntland Ubax Cabdirashiid ayaa waraysi ay bixisay ku sheegtay in Maareeyaha SODMA uusan daacad ka ahayn sheegashadiisa, uuna boor isku qarinayo, sida ay hadalka u dhigtay.
“Agaasime waaye oo xitaa aniga Title ahaan iima dhigmo ee Sidee Siciid Deni u wici karaa, run haduu sheegayo aniga muu isoowaco waayo anigaa ah wasiirkii gargaarka Puntland ee shaqadaas gacanta ku haya, maleh awood uu kula hadlo Madaxweyne”, Wasiirka Gargaarka iyo Musiibooyinka Puntland Ubax Cabdirashiid oo u jawaabtey guddoomiyaha SODMA.
Ubax ayaa sheegtay in Maareeyuhu damacsanaa inuu geeyo Puntland agab dhacay oo lamid ah midkii la geeyey degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, iyadoo ku eedaysay inuusanba aqoon magacyada deegaamada uu sheegay inay gargaarka gaarsiin lahaayeen sida Qardho, Carmo, Qandala iyo deegaamo kale.




