Puntland oo eedayn ujeedisey siyaasiyiin ka soo horjeeda.

12 March, 2025

Xukuumadda Puntland ayaa eedaymo ujeedisey qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo xubno xilal ka haya…

Xukuumadda Puntland ayaa eedaymo ujeedisey qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo xubno xilal ka haya dowladda federalka ah ee Soomaaliya oo horay dhaliilo ugu jeediyey Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay inay jiraan siyaasiyiin xilal ka haya DFS oo ka xun hawlgalka ay ciidamada difaaca Puntland ku jebiyeen kooxda nabaddiidka ah ee Daacish.