Hawlgalka ciribtirka argagixisada Puntland ee Hillaac ayaa markii ugu horraysay xog kooban ka bixiyey argagixiye katirsanaa…

Hawlgalka ciribtirka argagixisada Puntland ee Hillaac ayaa markii ugu horraysay xog kooban ka bixiyey argagixiye katirsanaa Daacish oo laba maalmood kahor lagu qabtay buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka difaaca Puntland gaar ahaan hawlgalka Hillaac ayaa lagu sheegay in argagixiyahaasi uu ka soo jeedo dalka Turkiga laguna magacaabo Xasan Atar, inkastoo aysan bixin macluumaad intaasi ka baxsan.
“Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee hawlgalada ka wada Calmiskaad, waxay soo bandhigeen xubin ka tirsan firxadka Argagixisada Daacish oo ay ku qabteen hawlgaladii u danbeeyay, ninkan oo u dhashay Turkiga ayaa ku sheegay magaciisa Xasan Atar”, Ayaa lagu yiri qoraalka hawlgalka Hillaac.