Hawlgalka Hillaac ee Puntland ayaa markii ugu horreeyey faahfaahin ka bixiyey dagaalka ka socda togga Miiraale…

Hawlgalka Hillaac ee Puntland ayaa markii ugu horreeyey faahfaahin ka bixiyey dagaalka ka socda togga Miiraale ee Buuraleeyda Cal-miskaad oo ay ku dhuumaalaysanayaan malayshiyaad katirsan kooxda Daacish.
Afhayeenka hawlgalka Hillaac Gen. Maxamuud Faadhigo ayaa waraysi uu bixiyey ku sheegay in dagaal socdey muddo 12 saacadood ah ciidanku ka gaareen guulo waaweyn lana wareegeen saldhigyo muhiim u ahaa kooxda Daacish.
“Dagaalkaasi wuxuu bilowday 12 aroornimo wuxuuna dhammaaday 12-kii Maqribnimo, waxaana laga qabsaday nimankii saldhigyo badan oo uu kujiro ceelkii Miiraale, %85 kamid ah dhulkiina waa laga qabsaday”, Ayuu yiri Gen. Maxamuud Faadhigo.
Dhanka kalena, afhayeenka ayaa caddeeyey inuusan maanta dhicin wax dagaal ah haseyeeshee ay dhawaan soo afmeeri doonaan xubnaha Daacish ee ku dhuumaalaysanaya togga Miiraale.