Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqaymo culus oo manta diyaaradaha dagaalka Maraykanku ka fuliyeen…

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqaymo culus oo manta diyaaradaha dagaalka Maraykanku ka fuliyeen fariisimo ay buuraleeyda Cal-miskaad kaga sugan yihiin kooxda Daacish.
Duqaymahaan oo ka dhacay buuraleeyda ku teedsan togagga Baalade iyo Miraale ayaa la xaqiijiyey inay ku dheceen in ka badan 8 goobood oo ay ku dhuumaalaysanayeen xubno sarsare iyo saraakiil katirsan kooxda Daacish.
Afhayeenka hawlgalka Hillaac ee Cal-miskaad Gen. Maxamuud Faadhigo ayaa waraysi uu bixiyey ku xaqiijiyey in maanta la fuliyey duqaymihii ugu cuslaa ujeedaduna tahay in la burburiyey firxadkii Daacish ee ka baxsaday togga Jacayl.
“Nimankii dalkaan dulmiga kuyimid wixii ay kasbadeen ayaa ku dhacay, dowladihii hawada naga caawin jirey ayaa hawshooda ka qabsaday oo gantaalaha ayaa ugu dhacay sidii roobkii goobihii ay isku urursadeen intoodii ka soo carartay goobihii kale ee dagaalka”, Ayuu yiri Gen. Faadhigo.



