Puntland oo faahfaahin ka bixisay geerida Horjooge Laahoor.

18 March, 2025

Xukuumadda Puntland ayaa markii ugu horraysay faahfaahin kooban ka bixisay geerida madixii dilalka qorshaysan iyo qaraxyada…

Xukuumadda Puntland ayaa markii ugu horraysay faahfaahin kooban ka bixisay geerida madixii dilalka qorshaysan iyo qaraxyada ee kooxda Daacish u qaabilsanaa gobolka Bari Cabdiraxmaan Laahoor.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa waraysi kooban oo uu bixiyey ku shaaciyey in Abdirahmaan Shirwac Laahoor u geeriyoodey xanuun uu in muddo ah la noolaa, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Dirir, waxa uu sheegay in xukumane Laahoor uu la noolaa xanuunka Dhiigkarka oo habeenimadii xalay ku soo boodey lana geeyey dhakhtar iyadoo lagu guulaysan waayey in dhiiggiisa la damiyo ilaa uu ugu dambeyn u geeriyoodey, wuxuuna meesha ka saaray wararka sheegaya in saaka meydkiisa laga helay saldhiggii lagu hayey.

Abdirahmaan Shirwac Laahoor, oo dowladda isu dhiibey 3 February 2025, ayaa horay maxkamadi ugu xukuntay dil toogasho ah kadib markii lagu helay kamid ahaanshaha Daacish iyo inuu ka dambeeyey dilal iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Boosaaso.