Laamaha ammaanka Puntland ee gobolka Karkaar ayaa ku dhawaaqay in gacanta lagu soo dhigay rag hubaysan…

Laamaha ammaanka Puntland ee gobolka Karkaar ayaa ku dhawaaqay in gacanta lagu soo dhigay rag hubaysan oo la sheegay inay shalay jidgooyo ka dhigeen duleedka Bari ee magaalada Qardho, ayna joojiyeen isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha laamiga xiriiriya gobolada dalka.
Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska Gobolka Karkaar ayaa lagu sheegay in ciidamada amnigu ay qabteen maleeshiyaad abaabulan oo jidka goostay, isla markaana laga soo qabtay hubkii ay wateen, ayna tallaabadaasi qayb ka tahay dedaalada lagu xaqiijinayo amniga iyo xorriyadda isu socodka shacabka.
Hawlgalka ayaa la sheegay inuu hoggaaminayey Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar, G/Sare Bashiir Maxamed Maxamuud, iyo Taliyaha Madaxtooyada Gobolka Karkaar, Gashanle Cabdi Xirsi Aadan, baaritaan kadibna kooxihii lagu soo qabtay la horgeyn doono hay’adaha garsoorka Puntland.
Taliska Booliska Gobolka Karkaar ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo isku dayda inay jidgooyo dhigato, cabsi geliso shacabka ama carqalad ku noqoto amniga iyo kala dambeynta ayna sii wadi doonaan hawlgallada lagu soo afmeerayo cidkasta oo waxyeelaynaysa ammaanka.




