Puntland oo faahfaahin ka bixisay hawlgalladii ugu dambeeyey ee Calmiskaad.

10 February, 2025

Taliska ciidanka difaaca Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlgalladii ugu dambeeyey ee ciidanku ka wadaan buuraleeyda…

Taliska ciidanka difaaca Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlgalladii ugu dambeeyey ee ciidanku ka wadaan buuraleeyda Calmiskaad gaar ahaan inta u dhexaysa Qurac iyo Damdamaale oo ku teetsa togga Jacayl.

Afhayeen u hadlay ciidamada difaaca Puntland oo ka warbixiyey hawlgalladii ugu dambeeyey ayaa sheegay inay qabteen diyaarado qaraxyo xambaarsan ayna sii wadi doonaan soo afjaridda kooxaha nabaddiidka ah ee ku sugan buuraleeyda gobolka Bari.

“Waxay soo direen 7 diyaaradood ah Drones oo ay qaraxyo ku soo xireen waxaana ciidanku ku guulaysteen inay dhammaan soo ridaan, inkastoo ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen 4 askari oo katirsan ciidanka dowladda”, Sidaasi waxaa yiri afhayeenka ciidanka difaaca Puntland Gen. Faadhigo.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in ciidanku ay xilligaan ogyihiin goobaha ay ku sugan yihiin Daacish isla markaana la sameeyey sahankii ugu dambeeyey ciidankuna duulaan ku qaadi doonaan xilliyo loo qorsheeyey sida uu hadalka u dhigay.