Xukuumadda Puntland ayaa jawaab ma bixisay hadal ka soo yeeray xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya oo…

Xukuumadda Puntland ayaa jawaab ma bixisay hadal ka soo yeeray xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya oo quseeyey mashaariicda caalamku ugu deeqay Soomaaliya iyo diidmada Puntland.
Wasiirka wasaaradda qorshaynta Puntland Daa’uud Bisle oo ka hadlay kulan ka qabsoomay Garoowe ayaa sheegay inaysan jirin mashaariic si sharci ah loo bixiyey oo ay joojiyeen haseyeeshee la doonayo in sandarooro kooban lagu marin habaabiyo reer Puntland.
Waxa uu tusaale u soo qaatay mashruuca laamiga Xarfo ilaa Galkacyo oo uu sheegay in muddo saddex sano ah mushahar ahaan loogu qaato Muqdisho lana doonayo in waxyar lagu dhibaateeyo bulshada gobolka Mudug.
Wasiirka qorshaynta Puntland Daa’uud Bisle,”Mashruuca Xarfo waa $14,464,000, saddex sanadood ayaa waxaa ku socda Mushahar maxaa ka hadhay ayaad u malaynaysaa, wax uun inta afka laguu mariyo hadhawna la yiraahdo halkaas ayey ku dhammaatay”, Ayuu yiri wasiir Daa’uud.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray,”Midda labaad mashaariicda qaar anigaa joojiyey Madaxweyne ma oga cidkalena ma oga waayo waysan ii cuntamayn, gadmi mayso waxaad qaadanaysid ma ogid qofka kuu shaqaynayana anaa kuu qoraya?”



