Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa dedaal ku bixinaya sidii xal waara looga gaari lahaa dagaal beeleedyada…

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa dedaal ku bixinaya sidii xal waara looga gaari lahaa dagaal beeleedyada soo noqnoqda ee ka dhaca deegaamo katirsan Galbeedka durugsan ee gobolka Mududug.
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali (Jifo-Jabsade), oo ka hadlayey kulan ka dhacay Galkacyo oo lagu wareejinayey shaqsi horay dil uga geystey gobolka Mudug ayaa ku baaqay in dhammaan bulshooyinka gobolka Mudug ay maamulada ka gacan siiyaan adkaynta nabadda.
Waxa uu sheegay in gobolka Mudug soo maray marxalado adag iyo dagaalo dibu dhac keenay loona baahan yahay in cidkasta ay juhdi ku bixiso sidii nabad looga shaqayn lahaa loona kala qaadi lahaa ciidan beeleedyada isku horfadhiya deegaamada qaar, isagoo farriin gaar ah u diray odayaasha dhinacyada dagaalamay.
“Nabaddu uma baahna inaan masaajiddada kaliya ka soo ducayno waxay u baahan tahay dhaqaaq, in odayaashu habeenna Bandiiradleey joogaan habeenka xigana Gal-dogob ka casheeyaan weeye, waa inaan xaqiiqda ka hadalnaa oo aan qolona wax dib u dhigan si gunta loo gaaro”, Ayuu yiri guddoomiye Faysal Sheekh Cali (Jifo-Jabsade).