Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali (Jifo-jabsade), oo ka hadlay kulan ka dhacay magaalada…

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali (Jifo-jabsade), oo ka hadlay kulan ka dhacay magaalada Galkacyo ayaa shaaciyey in la fasaxay mashruucii dhismaha laamiga xiriiriya Xarfo ilaa magaalada Galkacyo.
“Wadadii waa la ansixiyey dowladduna waa ogolaatay waxaana tartan loo qabanayaa shirkadihii qandaraaska dhismaha qaadan lahaa kadibna si deg deg ah ayaa loo bilaabayaa, wasiiradii loo soo diray ayaana imaanaya ilaa habeen dambe”, Ayuu yiri guddoomiye Jifi-jabsade.
Dhanka kalena, guddoomiyaha ayaa ugu baaqay bulshada gobolka Mudug gaar ahaan degmada Galkacyo inay tabashadooda ku saleeyaan anshaxa iyo shuruucda dowliga ah si ay xaqooda u helaan.
“Tabasahda aan qabno reer Galkacyood waxaa la rabaa inay noqoto tabasho togan oo dadkana wax u taraysa sharafna u ah ayaa laga rabaa, in laysla xisaabtamo ceeb ma ahan laakiin waxaa la rabaa inaan gudbino tabasho qaynuunka waafaqsan”, Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.



