Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday in si kumeel gaar ah loo…

Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday in si kumeel gaar ah loo fasaxay jillaabashada iyo ka ganacsiga noocyada kala duwan ee aargoosatada laga helo xeebaha gobolada Puntland.
I. Markaan arkay dastuurka Dowladda Puntland Qodobadiisa 54aad iyo 55aad ee ku saabsan dhowrista khayraadka dabiiciga ah;
II. Markaan eegay go’aankii Wasaaradda Kalluumaysiga ee Xirmayn-xilliyeedka Kaambaha tixraaciisuna ahaa WWKKhB/054/2025;
III. Markaan arkay in gurashadii aargoosatada Puntland ay si ka hor imaanaysa awaamirtii dowladda ku bilaabatay 01/11/2025, isla markaana tixgeliyey hantida lasoo qabtay ee khasaaraysa; inkastoo aargoosatada Puntland loo soo raray si baalmarsan sharciga iyo dowladda, waxay dowladdu go,aansatay in la ogolaado dhoofinta aargoosatadda si looga fogaado khasaaraha ku dhacaya aargoosatadda.
IV. Markaan darsay Xeerka Kalluumaysiga DPL Qodobkiisa 65aad ee ku saabsan ka ganacsiga bahda Aargoosatada/Kaambaha;
𝗪𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻 𝗴𝗼’𝗮𝗮𝗺𝗶𝘆𝗲𝘆 𝗶𝗻:
1. In si kumeelgaar ah loo fasaxay socodka gaadiidka si kaambaha/aargoosatada iyo dhoofkeeda laga bilaabo 01/12/2025.
2. In shir ballaaran oo ay kasoo qaybgelayaan bahda aargoosatada, khuburada culuumta badda Puntland, Wasaaradaha ay khusayso ee Dowladda, guddoomiyayaasha degmooyinka Baargaal, Gumbax, Xaafuun, Banderbayla, Dhudhub, Dangorayo, Eyl, Godobjiiraan iyo Jarriiban la isugu yimaado 25/12/2025 magaalada Garoowe.
3. In wasaaradda Maaliyadu ka qaado dakhliga ku wasaajibay waxsoosaarka aargoosatada/kaambadda




