Wasiirka Amniga Dowladda Puntland Ibraahim Cartan Ismaciil (Xaaji Bakiin), ayaa deegaanka Timirshe ee gobolka Bari ku…

Wasiirka Amniga Dowladda Puntland Ibraahim Cartan Ismaciil (Xaaji Bakiin), ayaa deegaanka Timirshe ee gobolka Bari ku soo dhaweeyey 4 xubnood oo kamid ahaa Soomaalidii qaybta ka ahayd Daacish ee lagu jebiyey dgaaalka Cal-miskaad.
Afhayeenka hawlgalka Hillaac ee ka socda Cal-miskaad ayaa warbaahinta u sheegay in raggaan oo dhammaan Soomaali ah ay kujiraan gacanta dowladda lana marsiin doono habraacyada dowliga ah.
“Afar nin oo Soomaali ah oo Daacish ka tirsanaa baa shalay isa soo dhiibay, waxay ay iska soo dhiibeen degaanka Timirshe oo uu joogo wasiirkii Amniga Puntland Xaaji Bakiin, waxaana loo soo gudbin doonaa magaalada Boosaaso” ayuu yiri Af-hayeenka hawlgalka Cal-miskaad ee ciidamada difaaca Puntland Gen. Maxamuud Faadhigo oo wareysi bixiyay.
Afhayeenka ayaa intaas ku daray, “Goortay arkeen in Daacish iska geb-gabowday oo jabeen, waxay dan bideen in ay isa soo dhiibaan, maadaama aysan jirin meel danbe oo ay ku dhuuntaan, kaddib markii laga saaray goobtii u danbaysay ee ceelka Miraale, oo ay gabbaad ka dhiganayeeen, taasi ayaa keentay in ay is dhiibid bilaabaan”.



