Puntland oo Galkacyo ku qabatay shirweyne looga arrinsanayey nabadda.

30 July, 2025

Dowladda Puntland ayaa Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku soo gabagabaysay shirweyne looga arrisanayey Xoojinta…

Dowladda Puntland ayaa Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku soo gabagabaysay shirweyne looga arrisanayey Xoojinta Cadaaladda, Nabada iyo Xasiloonida Gobolka Mudug.

Shirkan waxaa ka qeybgalay Golaha Wasiirada dowladda Puntland, Garsoorka iyo Maamulka Gobolka, laamaha amaanka, nabadoonada, culumada, Haweenka, Dhalinyarada iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.

U jeeddka Shirkan ayaa ahaa:-

1. Kaalinta Culumada iyo Nabadoonada Gobolka Mudug ee Nabada iyo Xalinta Khilaafaadka Bulshada

2. ⁠Xoojinta Wadashaqaynta Culumada, Nabadoonada, Hay’addaha Amniga, Cadaaladda iyo Garsoorka

3. ⁠Xoojinta Aragtida Islaamka ee ku dhisan Dowlad Wanaaga, wadashaqaynta ka dhaxaysa Dowladda iyo Bulshada iyo sidoo kale dhisida kalsoonida Bulshada

4. ⁠Mabaadii’da Islaamka iyo Xeer Dhaqameedka Soomaliyeed ee ku saabsan ilaalinta nabadgalyada, daadinta dhiiga islaamka iyo ka hortaga fikradaha xagjirka ah

Inta uu socda shirkan waxaa lagu soo bandhigay mawduucyo kala duwan iyo doodo ku salaysan afarta u jeeddo ee shirka.

Ugu dambayn Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka iyo Arrimah Diinta waxay u mahadcelinaysaa qeybaha kala duwaan ee bulshada iyo dowladda ee kasoo qeybgalay shirka, sidoo kale waxay dhiirigalinaysaa dadaadala nabadaynta ee ka socda Gobolka Mudug.