Taliye ku xigeenka qaybta Booliiska gobolka Mudug, Gaashaanle Dhexe Cabdi Siciid Xuseen Jaamac (Koomaad), ayaa maanta…

Taliye ku xigeenka qaybta Booliiska gobolka Mudug, Gaashaanle Dhexe Cabdi Siciid Xuseen Jaamac (Koomaad), ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyay Taliye ku xigeenka ciidamada isku dhafka ah, Dhame Cabdi Fitaax Cali Dabaadi, labo eedeysane oo loo haysto dhac gaari ah oo laga soo dhacay degmada Bandiiradley ee Galmudug. Labadaas eedeysane oo lagu kala magacaabo Xasan Maxamed Xaashi iyo Mustafe Abdikariin Axmed ayaa lagu qabtay degmada Burtinle ee gobolka Nugaal, kaddib howlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka.
Wareejinta eedeysanayaasha ayaa ka dhacday xarunta taliska ciidanka, iyadoo Taliye ku xigeenka ciidamada isku dhafka ah uu uga mahadceliyay saraakiisha Puntland sida ay ugu soo wareejiyeen eedeysanayaasha si waafaqsan nidaamka iyo iskaashiga amni ee labada maamul.
Dhame Cabdi Fitaax Cali Dabaadi ayaa sheegay in labada eedeysane hadda ay ku jiraan gacanta laamaha amniga Galmudug, isla markaana baaritaannadooda la bilaabay, si loo caddeeyo faahfaahinta ku saabsan kiiska iyo cidda ku lug leh.
Taliye ku xigeenka Booliiska Mudug, Gaashaanle Dhexe Koomaad, ayaa uga mahadceliyay bulshada iyo ciidamada sidii ay uga jawaabeen wargelintii ku saabsan tuugada gaariga, isagoo tilmaamay in wada-shaqeynta shacabka iyo ciidamada ay tahay furaha lagu xakameeyo dambiyada ka dhaca gobolka.
Ugu dambeyn, Taliye Koomaad wuxuu fariin u diray bulshada Puntland iyo Galmudug, isagoo ku boorriyay inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta amniga, kana warbixiyaan dhaqdhaqaaqyada laga shakiyo, si looga hortago falalka dambiyada ah iyo carqalad kasta oo nabadda wax u dhimaysa.



