Puntland oo Galmudug uga digtey in la soo mariyo hub ay DFS ugu talagashay ciidamo ku sugan Galkacyo

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Dowladda Puntland aya si adag loogaga hadlay dhaqdhaqaaqyo uu wado Madaxweynaha…

25 July, 2026
Puntland State House

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Dowladda Puntland aya si adag loogaga hadlay dhaqdhaqaaqyo uu wado Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo ay sheegtay inay halis ku yihiin xasilloonida iyo nidaamka dowladnimada Puntland. 

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Puntland ay ka digeyso wax kasta oo lagu wiiqayo awoodda iyo jiritaanka ciidamada difaaca Puntland (PSF), iyadoo sidoo kale sheegtay inay jirto faragelin ay Dowladda Federaalka ku hayso arrimaha gudaha iyo deegaanada Puntland. 

Dowladda Puntland waxay ugu baaqday Dowladda Galmudug iyo beesha caalamka inay ka hortagaan colaado iyo dhaqdhaqaaqyo hubeysan oo ka dhici kara deegaannada xuduudaha, iyadoo ku boorrisay Galmudug inay sii waddo iskaashiga amniga, deris-wanaagga iyo nabadgelyada labada dhinac.