Puntland oo ganaaxdey ciyaaryahan katirsan degmada Qardho.

Xiriirka Kubadda Cagta Puntland ayaa ganaax adag dul dhigay ciyaaryahanka Cabdiiqani Axmed Cabdi (Carrick) oo ka…

26 May, 2026

Xiriirka Kubadda Cagta Puntland ayaa ganaax adag dul dhigay ciyaaryahanka Cabdiiqani Axmed Cabdi (Carrick) oo ka tirsanaa xulka caasimadda Qardho, kadib dhacdo la xiriirta anshax-xumo lagu eedeeyay intii uu socday tartanka caasimadaha gobollada Puntland, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xiriirka.

Go’aanka guddiga ayaa lagu sheegay in Cabdiiqani Carrick uu sameeyay ficil lidi ku ah anshaxa ciyaaraha, iyadoo lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay hay’adaha dowladda iyo masuuliyiinta tartanka, isla markaana uu faafiyay hadallo dhaawacaya nidaamka ciyaaraha Puntland, uuna jebiyey qodobada 13-aad farqadiisa 60-aad ee xeerka anshaxa tartamada kubadda cagta.

Sida ku cad warqadda, ciyaaryahanka ayaa laga ganaaxay dhammaan ciyaaraha kubadda cagta ee ka dhaca Puntland muddo dhan labo sano ah. Sidoo kale waxaa laga mamnuucay inuu ka qeyb galo tartamada gobollada iyo degmooyinka inta ganaaxu socdo.

Xiriirka Kubadda Cagta Puntland ayaa sidoo kale sheegay in haddii ciyaaryahanku ku celiyo falal la mid ah kuwa lagu eedeeyay, laga qaadi doono tallaabooyin dheeraad ah oo ay ku jirto ganaax lacageed oo gaaraya 300 oo dollar. Go’aankan ayaa imanaya xilli uu si weyn u socdo tartanka caasimadaha gobollada Puntland oo sanadkan xiiso gaar ah yeeshay.