Puntland oo garoon casri ah ka daahfurtay Garoonka diyaaradaha Boosaaso.

9 April, 2026

Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntalnd Cabdifataax Ugaas Yaasiin oo maanta daahfuray hotel casri ah oo…

Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntalnd Cabdifataax Ugaas Yaasiin oo maanta daahfuray hotel casri ah oo laga hirgeliyey garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso ayaa shacabka ugu baaqay inay qayb ka qaataan horumarinta Garoomada iyo ammaanka guud ee Puntland.

“Garoomada Puntland waa bilidii dalka, siday u ekaadaan ayaa dadka iyo dalkuna u ekaan doonaan waana waajib na saaran inaan ilaalino dhammaantood waxaana rabnaa inaad dhammaan igala shaqaysaan qurxintooda”, Ayuu yiri Wasiir Cabdifataax Ugaas Yaasiin.

Dhanka kalena, Wasiirka oo uga mahadceliyey Madaxweynaha Puntland dedaalka uu geliyey ammaanka iyo horumarinta Boosaaso ayaa ugu baaqay shacabku inay ka qayb qaataan horumarinta amniga iyo garoomada deegaamada Puntland.

“Waxaan Madaxweynaha uga mahadcelinayaa dedaalka uu geliyey Boosaaso, shacabkana waxaan ka codsanayaa inay nagala shaqeeyaan sugidda amniga iyo horumarinta garoomada guud ahaan Puntland”, Ayuu yiri Cabdifataax Ugaas Yaasiin..