Puntland oo Garoowe ku kulmisay bahda Tiknoolojiyadda & Isgaadhsiinta.

Carwada Tignoolajiyadda Puntland 2026, oo sannadkii labaad si rasmi ah loogu qabtay magaalada Garoowe intii u…

8 January, 2026

Carwada Tignoolajiyadda Puntland 2026, oo sannadkii labaad si rasmi ah loogu qabtay magaalada Garoowe intii u dhexeysay 5–7 Janaayo 2026, ayaa si guul leh u soo gabagabowday.

Carwada ayaa muddadii ay socotey siweyn loogu gorfeeyo mustaqbalka tignoolajiyadda Puntland ayaa waxaa ka soo qayb-galay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Puntland, Maareeyayaasha shirkadaha isgaarsiinta Puntland, hay’adaha waxbarashada, khubaro, hal-abuurayaal, dhalinyaro, haween, ganacsato iyo marti-sharaf kale.