Puntland oo go’aamo ka soo saartay saamaynta dhaqaale ee ka soo gaaraysa dagaalada Bariga dhexe.

15 March, 2026

Waxaa magaalada Boosaaso ka qabsoomay shir wada-tashi ah oo ay isugu yimaadeen daladaha ganacsatada kala duwan,…

Waxaa magaalada Boosaaso ka qabsoomay shir wada-tashi ah oo ay isugu yimaadeen daladaha ganacsatada kala duwan, kaas oo diiradda lagu saaray saamaynta dagaallada Bariga Dhexe ku yeelanayaan ganacsiga iyo dhaqaalaha Puntland.

Shirka ayaa lagu falanqeeyay caqabadaha sii kordhaya ee ka dhashay xiisadaha iyo dagaallada ka socda Bariga Dhexe, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga badda, qiimaha badeecadaha, kharashaadka gaadiidka iyo silsiladda sahayda. Waxaa la xusay in xaaladaha amni ee marinada badda ay kordhiyeen kharashaadka ganacsiga, taas oo saameyn ku yeelan karta dhaqaalaha iyo nolosha bulshada.

Intii uu socday shirka, ka qayb-galayaashu waxay si gaar ah uga doodeen doorka ganacsatada Puntland ee xilliyada adag, gaar ahaan iyada oo dalka ay ka jiraan abaaro saameeyay bulshada qaybo badan oo ka mid ah.

Talooyinka shirka laga soo saaray waxaa ka mid ahaa:

  1. In ganacsatadu Midnimo ku wajahaan xaaladda jirta.
  2. In la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya Dowladda, ganacsatada iyo xarumaha waxbarashada, si wadajir loogu raadiyo xalal wax ku ool ah oo lagaga hortagi karo caqabadaha dhaqaale iyo kuwa amni ee ka dhashay dagaalka bariga dhexe.
  3. In kor loo qaado wax soo saarka Beeraha, Xoolaha iyo kalluumaysiga, si loo yareeyo ku tiirsanaanta badeecadaha ka imanaya dibadda.
  4. In ganacsatadu ilaashaan xasiloonida qiimaha badeecadaha, si looga fogaado koror ku yimaada qiimaha oo culays ku ah shacabka.
  5. In ganacsatada Puntland u utauraan shacabka ay saamaysay abaaruhu iyo dhaqaalaha xumada isla markaana muujiyaan dareen bulsho iyo taageero.
  6. In ganacsatada Puntland ka qayb qaataan gurmadka abaaraha iyo taageeridda dadka tabaalaysan.
  7. In laga faa’iideysto khayraadka ku duugan dhulka, sida macdanta iyo shidaalka, si loo xoojiyo kobaca dhaqaalaha iyo isku filnaanshaha dalka.
  8. In ganacsatada Puntland ay samaystaan kaydad cunto iyo shidaal.
  9. Shirka waxaa lagu bogaadiyey ganacsatada Puntland doorka weyn ee ay ka qaateen gurmadka abaaraha iyo sida ay ugu bixiyeen kaalmooyin dhaqaale iyo gargaar kala duwan oo lagu taageerayo shacabka ay abaaruhu saameeyeen.

Ugu dambayn, ka qayb-galayaashu waxay adkeeyeen muhiimada ay leedahay iskaashi, isku duubni iyo mas’uuliyadda bulsho, si loo ilaaliyo ganacsiga Puntland loogana garab istaago shacabka xilliyada adag.