Puntland oo Go’aan ka gaaraysa qofkii lagu dilo ku lug lahaanshaha Maandooriyaha.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa sheegay in caqabad weyn ka hortaagan la dagaallanka…

6 September, 2025

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa sheegay in caqabad weyn ka hortaagan la dagaallanka maandooriyaha khamriga oo si sharci darro ah uga soo gala deegaanada Puntland xuduudda la wadaagto dowlad deegaanka Soomaalida. Khamrigan ayaa lagu soo gelinayaa gaadiid si qarsoodi ah u dhaqaajiya waxaana uu ugu dambayn soo gaaraa magaalooyinka waa weyn ee Puntland sida Gaalkacyo iyo Garoowe halkaas oo lagu kala iibiyo.

Lugatoor ayaa ku baaqay in la dejiyo go’aan mideysan oo caddeynaya in qofkii lagu dilo isagoo khamri isticmaala aan wax magdhow ah laga bixin. Wuxuu sheegay in bixinta magta ay caqabad weyn ku noqotay dadaallada dowladda taasoo hoos u dhigtay awoodda lagu wajahayo maandooriyaha.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu ku adkeystay in haddii xal dhab ah la doonayo bulshada iyo dowladda Puntland ay qaataan go’aan adag oo ka dhan ah dadka isticmaala iyo kuwa ka ganacsada maandooriyaha. Wuxuu hadalkiisa ku tilmaamay baaq ku wajahan bulshada si loo mideeyo qorshaha lagu yareynayo khatarta khamriga.

Sanadihii la soo dhaafay dhacdooyin la xiriira khamriga ayaa ka dhacay magaalooyin badan oo Puntland ah. Xilliyada habeenkii ayaa mararka qaar la maqlayaa xabado ay isdhaafsanayaan rag khamri isticmaala iyo kuwa ka ganacsada taas oo keenta dhimasho iyo dhaawac soo gaara dadka ku lugta leh iyo shacabka ku dhow goobaha falalkaasi ka dhacaan.

Dowladda Puntland ayaa dhowr jeer ku celisay inay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah maandooriyaha balse waxay hoosta ka xariiqday in arrintani ay u baahan tahay wada shaqeyn dhab ah oo ka timaada bulshada maadaama dhibaatada khamrigu ay taabaneyso amniga iyo caafimaadka guud ee bulshada.