Dawladda Puntland ee Soomaaliya, oo hoy u ah keydadka macdanta ee ugu badan ee la xaqiijiyey…

Dawladda Puntland ee Soomaaliya, oo hoy u ah keydadka macdanta ee ugu badan ee la xaqiijiyey dalka, waxay la socotaa wararka sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la saxiixatay Is-afgarad (MoU) Gobolka Galbeedka Virginia ee Maraykanka, kaas oo ku saabsan sahminta iyo horumarinta kheyraadkan, oo ay ku jiraan macdanta muhiimka ah.
Puntland waxay ugu baaqaysaa Gobolka West Virginia inuu ka fogaado fulinta ama tallaabo kasta oo ku saleysan MoU-gaas ilaa laga xallinayo cabashooyinka sharci iyo dastuur ee Puntland, iyadoo la raacayo Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Federaalka Soomaaliya 2012 (Qodobka 44). Heshiis federaal ama caalami ah looma oggola inuu khuseeyo kheyraad ku yaalla Puntland iyadoo aan lala tashan lana helin oggolaanshaha maamulka Puntland.
Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ee Puntland waxay adkaynaysaa in iskaashiyada caalamiga ah ee masuulka ah la soo dhoweynayo, balse MoU-ga la sheegay wuxuu keenaa walaacyo waaweyn:
- La’aan wada-tashi: Puntland laguma darin wadahadallada ku saabsan kheyraadkeeda macdanta.
- Isku-dhac federaaliyeed: Dowladda Federaalka horey ayay u xaddiday dowlad-goboleedyada inay heshiisyo madax-bannaan galaan, balse hadda waxay u muuqataa inay ka boodayso nidaamkaas, taasoo dhaawacaysa federaalnimada.
- Khataro sharci iyo maalgashi: Heshiisyo hal dhinac ah waxay abuuraan hubanti la’aan maalgashadayaasha, waxay jebin karaan qodobbada dastuurka, waxayna halis gelinayaan danaha mustaqbalka fog ee shacabka Soomaaliyeed.
Mawqifka Puntland waa cad yahay: Heshiis kasta oo khuseeya kheyraadka ku yaalla Puntland lama aqbali doono marka loo eego sharciga Puntland.
Baaqyo (Calls to Action):
- In si buuxda loo shaaciyo MoU-ga iyo xaaladdiisa sharci.
- In si degdeg ah loola tashado dhammaan Dowlad-goboleedyada Federaalka ee khuseeya heshiisyada la xiriira kheyraadka macdanta.
- In la sameeyo qaab sharciyeed oo waafaqsan dastuurka oo lagu maareeyo kheyraadka dabiiciga ah ka hor inta aan la gelin heshiisyo caalami ah.
Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha waxay mas’uul ka tahay kormeerka kheyraadka tamarta, macdanta iyo biyaha ee Puntland. Wasaaraddu waxay dhiirrigelisaa maareyn waarta, sharciyeysan oo hufan, waxayna la shaqeysaa la-hawlgalayaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah si loo hubiyo horumar masuuliyad leh oo faa’iido u leh jiilalka hadda iyo kuwa mustaqbalka.




