Puntland oo gobolka Mudug ka joojisey dhoofinta caagagga iyo bir-qalaxda.

10 May, 2025

Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa wareegto uu soo saaray ku mamnoocay ka ganacsiga iyo iibinta…

Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa wareegto uu soo saaray ku mamnoocay ka ganacsiga iyo iibinta dhammaan biraha iyo agabka kale ee u baahan dib u wershedeynta oo loo daabuli jirey dalka Itoobiya.

Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali ayaa joojiyey Iibinta, ka ganacsiga iyo dhoofinta Bir-qalaxda, Caagadaha iyo dhammaan khayraadka u baahan dib u wershedaynta ee yaalla gobolka Mudug.

Maamulka gobolka Mudug ee Puntland faahfaahin dheeri ah kama bixin sababaha keenay joojinta dhoofka bir-qalaxda iyo caagadaha oo siweyn muddooyinkii dambe ugu soo batay Puntland.