Ciidanka ammaanka xeebaha iyo booliska Puntland ayaa 48-dii saac ee la soo dhaafay dhanka berriga ka…

Ciidanka ammaanka xeebaha iyo booliska Puntland ayaa 48-dii saac ee la soo dhaafay dhanka berriga ka go’doomiyey kooxaha burcad-badeedda ah ee gacanta ku haya Maraakiibta Honour 25 iyo Sward.
Ciidamad oo si aad ah u hubaysan ayaa diidey in wax sahay ah la gaarsiiyo maraakiibtaasi aysanna helin gurmad hubaysan oo fuula, tallaabadaasi oo sababtay inay ka dhaqaaqaan jihooyinkii ay horay ugu sugnaayeen.
Markabka Honour 25 oo lagu haystay xeebaha degmada Banderbayla ee gobolka Karkaar ayaa u wareegay xeebaha gobolka Nugaal, waxaana deegaanka Karmaal oo la geeyey dhanka berriga kaga sugan ciidamo katirsan kuwa Puntland.
Dhanka kalena, Markabka MV Sward oo lagu haystay xeebaha deegaanka Garacad ayaa ayaa kooxdii haysatey ula dhaqaaqeen xeebaha maamulka Galmudug kadib cadaadis kaga yimid ciidanka Puntland, iyadoo hal askari ku dhintay weerar kooxo doonayey inay fuulaan ku qaadeen ciidanka Puntland.



