Puntland oo guddi u saartay xilwareejinta wasiirada cusub.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Guddi u magacaabay xil-u-kala- wareejinta Wasiiradii hore iyo…

2 April, 2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Guddi u magacaabay xil-u-kala- wareejinta Wasiiradii hore iyo Wasiirada cusub iyo Hay’adaha kale ee Dowladda Puntland.

Ku: Guddiga Xil wareejinta Dawladda Puntland

Og: Dhammaan Wasaaradaha Dawladda Puntland

Ujeeddo: Magacaabid Guddiga Xil wareejinta.

Waxaa lagu wargelinyaa dhammaan Wasaaradaha Dawladda Puntland in loo xilsaaray xil wareejinta Wasiiradii hore iyo Wasiirada cusub ee Wasaaradaha Dawladda Puntland iyo Hay’adaha kale ee Dowladda guddigaas oo kala ah: –

  1. Cismaan Maxamuud Cali (Qaroofey) Hantidhowrka Guud ee Dawladda Puntland. (Guddomiye)
  2. Maxamuud Xassan Aw Cismaan Madaxa Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.
  3. Carshe Maxamed Siciid Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.
  4. Asad Faarax Maxamed (Heelo) Agaasimaha Xiriirka Golayaasha Xoghaynta Guddiga Xilwareejinta.