Puntland ayaa xaqiijisay in waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadda aysan u hoggaansamin amarkii kasoo baxay Wasaaradda Amniga…

Puntland ayaa xaqiijisay in waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadda aysan u hoggaansamin amarkii kasoo baxay Wasaaradda Amniga Federaalka iyo Hay’adda Socdaalka ee dowladda dhexe. Amar kaas oo mamnuucaya in maamul-goboleedyadu bixiyaan ama cusboonaysiiyaan deggenaanshaha iyo baasaboorrada dadka wata jinsiyado shisheeye.
Puntland ayaa sheegtay inay sii wadi doonto bixinta visaha iyo deggenaanshaha dadka ajaanibta ah, iyadoo adeegsanaysa xarumaha garoomada iyo laamaha socdaalka. Maamulka ayaa arrintan ku tilmaamay difaac dastuuriga ah oo ka dhan ah faragelin federaal.
Wararka la helayo ayaa muujinaya in arrintan laga doodi doono kulanka Khamiislaha ee Golaha Wasiirrada Puntland. Ilo ku dhow golaha ayaa sheegay in wasiirradu qorsheynayaan inay si rasmi ah u diidaan amarka dowladda federaalka.
Khilaafkan cusub ayaa imaanaya xilli xiriirka Puntland iyo dowladda federaalka uu hore u ahaa mid kacsan. Xiisaddan cusub waxay sii muujinaysaa is mari-waa siyaasadeed oo ku saabsan awood qaybsiga iyo madax-bannaanida maamul goboleedyada.
Go’aanka Puntland ayaa la filayaa inuu kiciyo dood ballaaran oo ku saabsan nidaamka federaalka Soomaaliya. Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa arrintan ku tilmaamay tijaabo culus oo lagu cabbirayo awoodda dowlad-goboleedyada.



