Puntland oo imtixaan u daahfurtay 23,768 arday.

24 May, 2025

Madaxweyne ku-xiugeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley ayaa saaka si rasmi ah u daahfuray imtixaankii…

Madaxweyne ku-xiugeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley ayaa saaka si rasmi ah u daahfuray imtixaankii shahaadiga ahaa ee Puntland oo ay sanadkaan u fariisan doonaan 23,768 arday oo reer Puntland ah.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland Fu’aad Abshir Adeer oo faahfaahin ka bixiyey imtixaanka ayaa shaaciyey in dhammaan 33-da degmo ee Puntland looga dareeray saaka imtixaan midaysan.

“Mudane Madaxweyne waxaa maanta sharaf noo ah inaad nagu hoggaamiso daahfurka imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2024/25, waxaa la bilaabay in imtixaanaadka dugsiyada la mideeyo 2003, maantana waxay maraysaa inaan qaadayno imtixaan midaysan oo sugan dhammaan goboladeeda halmar la daahfuro, waxaa maanta fariisanaya 23,768 arday oo isugu jira fasalada 8aad iyo 12aad”, ayuu yir wasiir Fu’aad.

Ugu dambayntiina madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa ugu hambalyeeyey dhammaan ardayda reer Puntland, wuxuuna Alle uga baryey inuu imtixaanka u fududeeyo.