Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, G/Sare Maxamuud Muuse Bille (Fardafuul), ayaa Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ku…

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, G/Sare Maxamuud Muuse Bille (Fardafuul), ayaa Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ku wareejiyay nin ku eedaysan fal dil oo ka dhacay deegaannadaas.
Ninka la wareejiyay ayaa lagu magacaabaa Cabdi Maxamuud Wayrax, waxaana lagu eedeeyay inuu geystay dil dhacay 8-kii Oktoobar 2018, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Dowladda Deegaanka Soomaalida. Waxaa sidoo kale la sheegay in muddo dheer ay ku socotay baadi-goobkiisa.
Wareejintan ayaa muujinaysa iskaashiga dhinacyada amniga ee u dhexeeya Dowladda Puntland iyo Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyadoo la sheegay in wada-shaqeynta labada dhinac ay gaartay heerkii ugu sarreeyay.




