Puntland oo joojisay diyaarado qaad oo ka degi jirey Badhan iyo Qardho.

16 July, 2025

Xukuumadda Puntland ayaa degmooyinka Badhan iyo Qardho ka joojisay diyaaradihii qaadka ee u soo degi jirey…

Xukuumadda Puntland ayaa degmooyinka Badhan iyo Qardho ka joojisay diyaaradihii qaadka ee u soo degi jirey ganacsade Jaamac Yey oo kamid ah ganacsatada qaadka Puntland.

Warar hoose ayaa sheegaya in ganacsatda Jaamac Yey uu gaadiidkiisa dagaalka iyo taageero ciidanba ku wareejiyey ciidamada taageersan DFS ee ka dagaalamay degmada Dhahar.

Wasaarada duulista hawada Puntland weli faahfaahin kama bixin sababta, joojinta guud ahaanba qaadkii Puntland uga soo degi jirey deegaamada Puntland.

Tallaabadaan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay odayaasha dhaqanka gobolka Haylaan iyo Mas’uuliyiin dowladeed ku hawlan yihiin qorshe lagu baajinayo xiisadda magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan.