Puntland oo joojisey isku-socodka gaadiidka gobollada soorashada awgeed

Published: May 23, 2023
Shares36

Ciidanka Booliska Puntland ayaa ku wargelyey dhammaan dadweynaha reer Puntland in la joojinayo isku socodka gaadiidka guud ahaan Gobollada Puntland inta lagu jiro Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee Puntland.

Xilliga isku socodka la joojinaya ayaa ku beegan 24 May, 2023 saacadu marka ay tahay 6:00 makhribnimo  illaa 26 May, 2023 saacadu marka ay tahay 6:00 am Subaxnimo

Waxaa la joojiyay dhammaan gaadiidka isaga gudba Gobollada Puntland, kuwa gaarka loo leeyahay iyo gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya magaalooyinka Puntland.

Shacab weynaha reer Puntland ayaa maalinta khamiista ah u dareeri doona codeynta doorashada qof iyo cod ee goleyaasha degaanka degmooyinka Puntland.

Horseed Media