Laamaha ammaanka Puntland ee gobolka Bari ayaa habeenimadii xalay joojiyey kulan looga hadlayey “Midnimada Soomaaliyeed iyo…

Laamaha ammaanka Puntland ee gobolka Bari ayaa habeenimadii xalay joojiyey kulan looga hadlayey “Midnimada Soomaaliyeed iyo doodda siyaasadeed ee Puntland”, oo ka socdey Magaalada Boosaaso oo ay soo qaban qaabisay xarunta Masaf.
Ciidamo ka tirsan Taliska Qaybta Booliska Gobolka Bari ayaa la geeyey hoteelka uu kulanku ka socday, waxaana lagu wargeliyey qabanqaabiyayaasha in amar dowladeed lagu joojiyey kulanka oo xilligaasi lagu jirey daqiiqadihii ugu horreeyey ee bilowgiisa.
Kulanka ayaa la sheegay inuu qayb ka ahaa doodaha bulshada iyo siyaasadda ee looga hadlayo mowqifyada kala duwan ee ku saabsan midnimada Soomaaliya iyo doorka Puntland ee siyaasadda dalka, xilli ay muddooyinkii dambe soo baxayeen aragtiyaha la xiriira inay Puntland qorshaynayso inay ka go’do Soomaaliya inteeda kale.
Dooddo la xiriira arrimaha siyaasadda iyo midnimada Soomaaliya ayaa hore uga dhacay magaalada Garoowe, mana jiro ilaa hadda war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda iyo laamaha ammaanka oo la xiriira sababaha loo joojiyey kulankaasi dadweyne.




