Xukuumadda Puntland ayaa uga digtey ganacsatada iyo culimaa’udiinka Soomaaliyeed inay bulshada ku dhiirigeliyaan maalgashiga dibadda, xilli…

Xukuumadda Puntland ayaa uga digtey ganacsatada iyo culimaa’udiinka Soomaaliyeed inay bulshada ku dhiirigeliyaan maalgashiga dibadda, xilli ay Soomaaliya kujirto soo kabasho dhanka amniga iyo horumarka ah.
Wasiirka warfaafinta xukuumadda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo ka hadlay munaasabad ka qabsoontay Magaalada Garoowe ayaa ugu yeeray dhammaan dadka hantida haysta ee Soomaaliyeed inay dalkooda maalgashi ku sameeyeen, isagoo ka digey xaysiinta guryaha laga dhisayo dalalka deriska ah.
“Waxaan ka digayaa dadka culimada iyo ganacsatadu kamid yihiin ee guryaha Bariga Afrika laga dhisayo hala joojiyo, hala xaysiiyo kuwa laga dhisayo Somalia gaar ahaan meelaha ammaanka ah sida Garoowe”, Ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.
Wasiirka ayaa sheegay in arrintaani ay caqabad ku tahay koboca dhaqaale ee dalka ayna dhiirigelinayso maalgashiga dalalka deriska ah iyo kuwa qaaradda Afrika ee Soomaalidu maalgashiga ka samaynayso.