Puntland oo ka digtey in colaadaha miyiga loo soo raro Gaalkacyo.

20 February, 2025

Xukuumadda Puntland ayaa uga digtey beelaha ood-wadaagga ah ee dirirtu ku dhexmarayso Galbeedka gobolka Mudug in…

Xukuumadda Puntland ayaa uga digtey beelaha ood-wadaagga ah ee dirirtu ku dhexmarayso Galbeedka gobolka Mudug in colaaddaasi loo soo raro gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Maxamed Faarax Maxamuud, oo ka hadlayey shir nabadeed oo ka furmay Gaalkacyo ayaa waxgaradka labada dhinac ka codsaday inay nabadda u midoobaan isla markaan ay meesha saaraan waxkasta oo colaadda u hiilin kara, wuxuuna sheegay in maamulada Galmudug iyo Puntland aysan aqbali doonin in colaadda miyiga loo soo saro Galkacyo oo muddo dheer la daalaa dhacaysay dagaalo sokeeye.

“Waxaa tihiin ehel wadashay oo aan meelna kala aadi doonin, dhulkuna weligiis meeshiisa ayuu ahaanayaa, waxaa laydinka rabaa inaad baaqa nabadda gaarsiisaan reer guuraaga oo hawshaan aydinaan ka tegin iyadoo qabyo ah, haddii aad heshiin waydaan maamuladu go’aan bay gaarayaan labada beeloodba dan u ah”, ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Maxamed Faarax Maxamuud.

Dhanka kalena, wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri,”Magaaladaan Gaalkacyo waa magaalo inaga wada dhexaysa oo Soomaali oo dhami ku nooshahay, in qalalaaso laga sameeyo waxyaabaha miyiga iyo tuulooyinka ka dhacay loo soo raro marna aqbali mayno, dadka raba inay fidno ka sameeyaan oo dagaalada u soo raraan kulli waa iska celinaynaa oo dhan baan uga soo wada jeensanaynaa. Dagaalku meelbuu joogaa xalbaana loo raadinayaa”