Puntland oo ka digtey khatarta Alshabab ee Koonfurta Somalia.

1 April, 2025

Puntland ayaa si adag uga hadashay dhaqdhaqaaqyada dagaal ee kooxda nabaddiidka ah ee Alshabaab muddooyinkii dambe…

Puntland ayaa si adag uga hadashay dhaqdhaqaaqyada dagaal ee kooxda nabaddiidka ah ee Alshabaab muddooyinkii dambe ka bilowday deegaamo katirsan Koonfurta Soomaaliya, kadib markii ay dib u qabsatay deegaamo ay horay u haysteen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo la hadlayey boqolaal kamid ah shacabka Garoowe oo taageero u muujinayey ciidanka dagaalka kula jira Daacish, ayaa xusay in Alshabaab ay hunguriyeynayso qabsashada Muqdisho, wuxuuna madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu ku fara-adaygo caasimadda.

“Waan ka xunnahay in labadii kantarool ee Afgooye iyo Bal-cad ay Shabaab iyo xagjir joogaan, waan ka xunnahay laakiin maanta wax matari karno, waxaanna leenahay dowladda Soomaaliyeed ku mashquul cadawga dalkii qaybo kamid ah qabsaday inaysan Caasimadda qabsan”, Ayuu yiri Lugatoor.

Dhanka kalena, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland waxa uu sheegay in Puntland ku mashquulsan tahay gudeheeda iyo sidii ay cadawga argagixisada u ciribtiri lahayd, kadibna ugu jeensan lahayd in dhulka kale ee Soomaaliyeed ay wax kala qabato cadawgaasi.