Puntland oo ka digtey qaadashada kaarka aqoonsiga muwaadinka ee NIRA.

16 March, 2025

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Shiikh Cali ayaa siweyn uga digey qaadashada kaarka aqoonsiga muwaadinka…

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Shiikh Cali ayaa siweyn uga digey qaadashada kaarka aqoonsiga muwaadinka Soomaaliya ee NIRA oo ay bixintiisa gobolka Mudug ka bilowday dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

“Dastuurkii dalka ee Soomaali ku heshiisay waa la beddelay oo meesha waa ka baxay. Dastuur dhoob-dhoob ah oo aysan Soomaali ku midaysnayn hay’ad laga sameeyay oo NIRA la yiraahdo ayaa dalka timid oo leh diiwaangelin baan samayn. Horta dastuuri ma tahay mise maaha”,Ayuu yiri guddoomiye Jifi-jabsade.

Dhanka kalena, guddoomiyaha ayaa sheegay in qofkii qaata kaarka NIRA uu lumin doono dhammaan xuquuqaha aasaasiga ah ee Puntland, maadaama uusan waafaqsanayn dastuurka Somalia sida uu hadalka u dhigay.

“Horta qofkii aada barnaamijka diiwaangelinta ee hay’adda NIRA waddo si uu kaar aqoonsi uga helo, wuxuu lumiyay xuquuqda as-aasiga ah ee Puntlandnimada”, Ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.