Puntland oo ka fiirsanaysa reer guuraaga ku soo noqday dhulkii laga xoreeyey Daacish.

13 October, 2025

Dowladda Puntland ayaa ka fiirsanaysa reer Guuraaga ku soo laabtay deegaamadii bilowga hawlgalka Hillaac, kadib markii…

Dowladda Puntland ayaa ka fiirsanaysa reer Guuraaga ku soo laabtay deegaamadii bilowga hawlgalka Hillaac, kadib markii Daacish bilowday inay ku degaan dhulka reer guuraagu ku soo gurya noqday.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Puntland, Maxamed Baarri Shire, ayaa sheegay inay la yaab ku noqotay in Daacish ay weerarro dhabba-gal ah ka fuliyaan deegaamadii laga xoreeyey bilowgii sanadkaan 2025.

Waxa uu sheegay in weerarkii ugu dambeeyay uu dhacay habeeno ka hor markii dagaalamayaal katirsan Daacish ay jidka u galeen ciidamo gurmad ah, taasoo sababtay dhimashada hal askari iyo dhaawaca labo kale.

“Dhulkii aan horey u xoreynay ayay nimankii (Daacish) kusoo laabteen, iyagoo dhexgalay reer miyigii. Taasi waxay nagu kalliftay inaan ciidamadeenna dib u celinno,” Ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha wakiilada dowladda Puntland.