Mas’uuliyiin katirsan Puntland ayaa markii ugu horraysay ka hadlay waxka-beddel lagu sameeyey astaanta ciidanka booliska Puntlad…

Mas’uuliyiin katirsan Puntland ayaa markii ugu horraysay ka hadlay waxka-beddel lagu sameeyey astaanta ciidanka booliska Puntlad oo hadal hayn xooggan ka abuurtay baraha bulshada.
Lataliyaha dhanka amniga ee Madaxweynaha Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo la hadlayey boqolaal ciidan ah oo Garoowe soo gaarey ayaa nasiib darro ku tilmaamay in lagu mashquulo ciidamo waqti lageliyey iyo astaan la beddeley halkii Somalia ammaankeeda iyo midnimadeeda laga shaqayn lahaa.
Qarjab, wuxuu sheegay in ciidanka cusub ee Garoowe soo gaarey ay ka shaqayn doonaan ammaanka, loona baahan yahay in shacabku siweyn ula shaqeeyaan aysanna ku mashquulin buunbuuninta cadawga.
“Dadbaa inaa xalay waxay baraha bulshada wareejinayeen ciidankaas calaamaddiisa, war ciidan calaamaddiisa iyo waxaas intaad ku mashquulaysaan waxaad ku mashquushaan umadda Soomaaliyeed midnimadeeda iyo nabaddeeda, waa tashuush dadka dhex taagan”, Ayuu yiri Qarjab.



