Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa Baaqnamadeed u diray Beelaha walaalaha ah ee…

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa Baaqnamadeed u diray Beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay maanta Degaanka Dureera, Degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.
Guddoomiyaha ayaa Booliska gobolada Sanaag iyo Haylaan ku adkeeyey inay degaanka colaadu ka jirto ciidanku la wareegaan, isla markaan sida ugu dhaqsaha badan loogu kala qaado ciidamada is horjooga.
Dhanka kale isimada dhaqanka Gobolka iyo guud ahaan Puntland ayuu Guddoomiyuhu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadda labada beelood ee walaalaha ah iyo sidii loo soo afjari lahaa colaadda.
In ka badan 12 ruux ayaa ku geeriyoodey dagaalka maanta dooxada Dureera ku dhexmaray malayshiyaad ka soo kala jeeda beelo walaala ah oo kuwada nool gobolka Sanaag.